Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Talaadada berriya oo ku beegan 1-da September 2020 ku wajahan magaalada Muqdisho, halkaas oo socdaalkii u horreeyay uu ku tegi doono tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Puntland 8-dii January 2019.
Madaxweyne Deni iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo isna berri tegi doona Muqdisho, waxay kulan gaar ah oo ku saabsan arrimaha doorashada Soomaaliya la yeelan doonaan safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto oo dhex-dhexaadinaya iyaga iyo Farmaajo.
Deni iyo Axmed Madoobe, waxay sidoo kale kulan la qaadan doonaan madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ka wada-hadli doonaan turxaan-bixinta heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo Puntland iyo Jubbaland ka maqnaayeen, islamarkaana qodobo kamid ah ay weli diiddan yihiin.
Kulamadaasi kadib, waxa la filayaa in uu Muqdisho ka dhaco shir ay u dhan yihiin madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo looga hadlayo marxaladda kala guurka ah iyo hannaanka doorashada 2020/2021.
Sidoo kale, madaxweyne Deni wuxuu kulamo gaar-gaar ah Muqdisho kula qaadan doonaa qaar kamid ah safiirada dalalka shisheeye, oo ay ku jiraan Turkiga iyo Talyaaniga, kuwaas oo uu kala hadlayo arrimaha Puntland.
PUNTLAND POST