
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna siihayaha xilka Ra’iisal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda maaaliyadda iyo Khubaro xagga dhaqaalaha ah.
Qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in mudadii uu kulanka socday ay mas’uuliyiinta ka wada hadleen sida loo horumarin karo nidaamka maamulka maaliyadda dalka iyo dowlad wanaagga.
Sidoo kale kulanka ayaa looga dooday isu diyaarinta shir dhex maraya dowladda iyo IMF oo kamid ah imtixaanaadkii joogtada ahaa ee lagu ogaanayay sida dowladdu ay usoo buuxisay shuruudihii deyn cafinta.
Dhamaan wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee ka tirsan tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la faray inay qeybta uga aadan ka qaataan qorshaha deyn cafinta dalka si loogu guuleysto dhammaan shuruudaha deyn cafinta
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.