Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Milateriga Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in uu fiidnimadii Xalay ka dhacay Degaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose.
Dagaalka ayaa sida la sheegay bilowday kadib markii malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay madaafiic ku garaaceen Saldhiga Ciidamada Kenya ee Qooqaani kaas oo Ciidamada kenya kaga jawaabeen Hubka culus.
Wararku waxay sheegayaan in Dagaalkaas uu wakhti kooban socday inkastoo aan faahfaahin laga helin Khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaallamay.
Dagaalka ayaa ku soo beegmay saacado kadib weerarkii Al-shabaab ku qaadday Degaanka Baar-sanguunni ee Gobolka Jubada Hoose halkaas oo Ciidamada Jubaland ay xarumo ku leeyihiin.
PUNTLAND POST