Aabe Wiilkiisa Webiga ku riday oo Jowhar lagu qabtay

Taliska Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen Aabe wiilkisa xalay ku dilay Magaalada jowhar.

Booliiska ayaa sheegay in Eedeysanaha oo lagu magacaabo maxamed dhayoow uu xalay wiilkisa oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Dhaayoow ku riday Webiga Shebeelle

Eedeysanaha oo haatan ku xiran Saldhiga Booliska ayaa waxa ku socda baaritaano la xiriira sababta ku kalliftay in uu Wiilkiisa Webiga ku rido.

Sarakiish Booliiska eayaa shegay in eedaysanha oo baaritaan ku socdo ay Warbaahinta dib kala wadaagi doonaan wixii Baaritaanka ka soo baxa.

PUNTLAND POST