Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa Xalay magacaabay Guddiga Farsamada soo xulidda Xildhibaannada Baarlamanka labaad ee Hirshabeelle.
Guddiga oo ka kooban 11 xubnood, waxaa Guddoomiye u ah Cismaan Maxamed Mukhtaar, halka Guddoomiye ku xigeenka kowaad iyo labaad ay kala yihiin; Siciid Hagar Camalow iyo Maxamed Macallin Xasan Kulmiye.
Xoghayaha guud ee Guddiga Farsamada soo xulidda Xildhibaannada Baarlamanka labaad ee Hirshabeelle, ayaa isna loo magacaabay Cabdirisaaq Cumar Bood, halka Af-hayeen looga dhigay Siyaad Maxamed Isaaq.
Xubnaha kale ee Guddiga, waxa kamid ah Cabdishakuur Ibraahim Cabdiraxmaan, Cabdiraxmaan Maxamed Mu’min, Cabdirisaaq Ibraahim Axmed, Axmed Maxamed Cabdullaahi, Cabdiqaadir Nuur Cujub iyo Raage Xasan Cusmaan.
Hoos ka akhriso Magacaabidda

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.