Khilaaf weli ka taagan Diiwaan-gelinta Ciidamada Puntland ee ku sugan Gaalkacyo

Khilaaf ayaa weli ka taagan, Diiwaan-gelinta Ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan, Taliska Caana-ka’dhan ee Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, oo marar kala duwan la kulmay Saraakiisha Taliska Caana-ka’dhan, ayaan weli ku guulaysan in ay Diiwaan-geliyaan Ciidankaaas.

Guddiga ayaa sidoo kale la kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gaalkayo, kuwaas oo ay kala hadleen sidii loo diiwaan-gelin lahaa Ciidanka ku sugan Xerada Caana-ka’dhan, waxaana socda dadaal lagu xallinayo Muranka taagan.

Dhinaca kale, Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland, waxay diiwaan-gelin ku wadaan Talisyada kale ee Ciidamada Gobolka Mudug gaar ahaanna Magaalada Gaalkacyo.

PUNTLAND POST