
Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabtiya hawlgal qorshaysan ka fuliyay wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.
Saraakiil ka tirsan Kumaandooska DANAB ayaa laga soo xigtay in Hawlgalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo Amni-darro ka waday jidka u dhexeeya Labadaasi magaalo.
Hawlgalka waxa sidoo kale jidka looga saaray miinooyina la sheegay in ay halkaasi ku aaseen Al-shabaab sida ay sheegeen Saraakiisha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.