Aweys oo Maraykanka ugu baaqay in uu raali-gelin iyo magdhow ka bixiyo hogaamiye uu ka dilay Al-shabaab

Xasan Daahir Aweys, oo u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag uga hadlay dilka hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab , oo ku dhintay duqayn ka dhacday Koonfurta Soomaaliya.

Cabdulqaadir Cismaan Yaroow (Kumaandoos), oo kamid ahaa hoggaamiyaasha sare ee Al-shabaab, ayaa maalmo ka hor lagu dilay weerar ay fuliyeen Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Maraykanka, kaas oo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose.

Muuqaal laga soo duubay Xasan Daahir Aweys, oo lagu faafiyay Warbaahinta Al-shabaab, ayuu si kulul ugu cambaareeyay dilka Cabdulqaadir Kumaandoos, wuxuuna Maraykanka ka dalbaday in uu raalli-gelin iyo magdhow ka bixiyo dilkaas.

Aweys, oo kiis argagixiso u xiran ayaa wacad ku maray in dhakhso loogu aar-gudi doono hoggaamiye Kumaandoos, islamarkaana jawaabta laga bixiyo ay noqon doonto mid laga sheekeeyo qarniyada soo socda.

Hoos ka daawo Hadalka Xassan Daahir

PUNTLAND POST