Al-shabaab oo hoggaamiye KMG ah doortay

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hoggaamiye ku meelgaar ah ay doorteen Al-shabaab, kadib markii Axmed Diiriye ay la soo daristay xaalad caafimaad darro.

Bayaan kooban oo ka soo baxay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa lagu sheegay in hoggaanka Al-shabaab lagu wareejiyay Abuukar Aadan oo ku xigeen u ahaa Axmed Diiriye.

Sidoo kale NISA ayaa xustay in loolan adag loogu jiro magacaabista hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab, oo ay tilmaantay inay ku hardamayaan labo garab oo kala safan Mahad Karatey iyo Axmed Diiriye.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya in Al-shabaab hoggaamiye ku meelgaar ah doorteen, marka laga reebo warka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida Soomaaliya.

NISA ayaa horay u sheegtay in hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye uu ka saaray Mahad Karatey iyo Bashiir Qoorgaab golaha fulinta ururkaas, sidoo kale uu ka qaaday dhammaan xilalkii ay hayeen.

NISA waxay xiligaas tilmaantay in ay ka dambeysay xilal ka qaadida Mahad Karatey iyo Bashiir Qoorgaab, markii ay ka dalbadeen hoggaamiyaha Al-shabaab in uu joojiyo qaraxyada Muqdisho.

Warar badan oo horey u baahisay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida Soomaaliya ayaa run ahaantooda weli su’aalo ka taagan yihiin.

PUNTLAND POST