Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukunno ku ridday mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

.Xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay maanta Xukunno ku ridday saraakiil ka kala tirsan wasaaradda Warfaafinta, Kalluumeysiga, Maaliyadda iyo mulkiilayaal shirkadeed.

Aweys Xasan Cumar, oo ah xisaabiye ka tirsan waaxda Maaliyadda wasaaradda warfaafinta ayaa maxkamaddu ku xukuntay hal sano iyo 6 bilood xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $ 1,183 oo Dollar.

Guuleed Ibraahim Maxamed, oo ah Agaasimaha waaxda Maaliyadda wasaaradda Kalluumeysiga waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya  $137, 907 oo Dollar. Khadar Aweys Xassan ayaa isagana Maxkamadu ku xukuntay 3 sano oo Xabsi ah.

Cali Sheekh Doon Cabdi, oo ah Madaxa hubinta xafiiska Xisaabiyaha guud ee dowladda federaalka waxay maxkamaddu ku xukuntay 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya  $3,549 USD.

sidoo kale, waxaa lagu amray in uu qasnadda dowladda ku soo celiyo $58,555 USD oo ah lacagtii uu lunsaday.

PUNTLAND POST