Dowlad Goboleedyada taageersan Villa Somalia oo soo dhoweeyay Shirkii Puntland iyo Jubbaland

Madaxweynayaasha Saddexda Dowlad Goboleed ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, oo Shir ku yeeshay Khadka Taleefonka, ayaa soo dhoweeyay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Wada-tashiga Puntland iyo Jubbaland ee ka qabsoomay Garoowe.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Saddexda Hoggaamiye ee Dowlad Goboleedyadaas taageersan Villa Somalia, ayay sidoo kale ku soo dhoweeyeen Shir ay sheegeen in Dowladda Federaalka ay la yeelanayso Madaxda Puntland iyo Jubbaland, si loo dhammeeyo wixii isfaham-waa jira.

Waxay u mahadceliyeen dhammaan Dadka Soomaaliyeed ee taageerada iyo Dhiirri-gelinta la garab taagan Madaxdooda, si xal looga gaaro Arrimaha Siyaasadeed ee Dalka iyo Hannaanka Doorashada 2020/2021.

Sidoo kale, waxay u mahadceliyeen Dalalka iyo Ururada ku midaysan Beesha Caalamka, oo sida ay sheegeen Soomaaliya ka caawisa Arrimaha Amniga, Horumarinta iyo Arrimaha Bulshaada.

Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka

PUNTLAND POST