Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharci cadaadis adag saaraya saxaafadda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay xeerka cusub ee warbaahinta oo ku jiraan qodobo adag oo cadaadis saaraya saxaafadda.

Dowladda federaalka ayaa maanta Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu dhaqangalinayay xeerkan, waxaana ka qeybgalay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in xeerkan oo la tashiyo iyo dib-u-eegis lagu sameeyay uu wax badan ka qaban doono dhibaatada ay qabeen bahda warbaahintu, sidoo kalana uu qeexayo mas’uuliyadda ballaaran ee saaran bahda warbaahinta.

Mahdi Guuleed oo ka hadlay maxkamadda ku haboon qaadidda dacwadaha iyo eedaha saxafiga ayaa yiri, “Anigu runtii sharci yaqaan ahaan iyo qof ahaan ra’yiyan ma fahmi karo sababta qof suxufi ah xeer ciqaabeed loogu oogaayo waxay tahay waayo ciqaabta Iyo mihnadda saxafinimo ee qofka suxufiga ahi waa kala caaganyihiin”.

Xeerka saxaafadda ee Madaxweyne Farmaajo saxiixay ayaa qoraalkiisii ugu horreeyay lasoo billaabay 14 sano kahor, waxaana markii ugu horreeyay golaha shacabku meel mariyeen 2008, yeeshee waxaa qodobada qaar dood ka keenay bahda warbaahinta, taas oo dhalisay in 2013 la billaabo dib-u-eegis lagu balaaranayo, waxaana mar kale baarlamaanku meel mariyeen 2015, waxaana madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh saxiixay 2016.

Sannadkii 2017 ayaa mar kale dib u eegis lagu billaabay sharcigan, waxaana la sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay 11 qodob oo kamid ah 15 qodob oo bahda warbaahintu dood ka keeneen.

Ugu dambeyna waxaa meel mariyay golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana saxiixay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo weli ay taagan tahay cabashadii bahda warbaahinta.

PUNTLAND POST