Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Arbacada ah mar kale dhegaysanaysa, dacwadda loo haysto 7 nin oo ku eedaysan Kiiska AUN Hodan Axmed Maxamed Shanlayste.
Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 10-kii April 2019 la sheegay in kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
15-kii February 2020, ayay Maxkamaddu markii u horraysay dhegaysatay Dacwadda loo haysto Ragga ku eedaysan Kiiska, balse saddex jeer oo dambe ayaa dib loo dhigay Dacwadda.
PUNTLAND POST