
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland, oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu soo warramayaa, in ay Maanta oo Arbaco ah diideen Diiwaan-gelinta ay wadaan Guddiga Dib u habaynta Ciidamada Puntland.
Warar lagu kalsoonyahay oo Puntland Post heshay, waxay sheegayaan in Cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo ku sugan Taliska Caano-ka’dhan ay diideen Barnaamijka Diiwaan-gelinta, oo ay wadaan Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland.
Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal, ayaa gacma-maran kala soo laabtay Taliska Caana-ka’dhan, kadib markii Ciidanka halkaas ku sugan ay ku gacan-sayreen Barnaamijka Diiwaan-gelinta Ciidamada.
Waxaase xusid mudan, in Guddigu ay shalay Diiwaan-gelin ku bilaabeen Ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan Taliska Godod, kuwaas oo horay diidmo ka keenay Arrimaha Diiwaan-gelinta, balse markii dambe lagu qanciyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.