Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu warbixin ka dhegaystay Guddiga, islamarkaana bogaadiyay shaqada wanaagsan ee u qabsoomtay oo uu ku dhiirigeliyay in ay halkaasi kasii wadaan.
Qoraalka waxaa lagu xusay, in Madaxweyne Deni ay ka go’antahay hirgelinta Nidaamka xisbiyada badan oo hadda meel wanaagsan maraya, Xukuumaduna waa garab taagantahay Guddiga, iyadoo la illaalinayo madax banaanidooda.







PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.