
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah Dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo loogu tala-galay Ciidamada Miletariga Soomaaliya
Gaadiidkan oo gaaray illaa 12 baabuur waxaa loogu tala-galay in ay isticmaalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Gorgor sida ay sheegtay Dowladda Turkiga.
Baabuurtan ayaa ah kuwa loo adeegsado dhulka aad u adag waxaana loo isticmaali doonaa howl-gallada Miletari ee ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.
Dowladda Turkiga waxay Soomaaliya kaa caawisaa dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horrayso dhismaha ciidamada iyo Tababarkooda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.