Ciidamada PSF oo weriye ku xirtay Xaruntooda Boosaaso

Ciidamada Amniga Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa xaruntooda Magaalada Boosaaso ku xiray weriye Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed (Xudayfi) oo ka hawlgala Warbaahinta Boosaaso.

Weriye Cabdiraxmaan Xudayfi oo Maalintii saddexaad ku xiran Xarunta PSF ee Magaalada Boosaaso ayaan ilaa iyo haatan loo ogolaan in ay arkaan Qoyskiisa iyo Weriyaasha kale midna.

Sidoo kale xubno ka tirsan Qoyskiisa oo xiriir la sameeyay Saraakiisha PSF waxay sheegeen in aan weli loo caddayn sababta loo xiray Cabdiraxmaan Xudayfi.

Taliska PSF waxay dadka ku xiraan Xarumahooda gaarka ah oo aysan jirin cid ka war-haysa sida maxaabiista loola dhaqmo maadaama aysan ogolayn in xarumahooda la galo.

Sidoo kale ma jirto wax waaran maxkamadeed ah oo ay u  isticmaaleen qabashada weriyaha taasi oo sharci-darro ka dhigaysa xariggiisa sida ku cad Dastuurka iyo Shuruucda Puntland.

PUNTLAND POST