Ilwaad Elman, Agaasimaha Xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadamiga ee Elman, ayaa ku guulaysatay Abaalmarinta Pro Dignitate Humana 2020. Waxay abaalmarinta ku mutaysatay shaqada Xaruntu ka qabatay la dagaalanka xagjireynta iyo xagjirnimada diimeed ee ba’an.
Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Booland Jacek Krzysztof Czaputowicz oo ugu hambalyeeyay Ilwaad helista abaalmarinta ayaa ku amaanay Xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadamiga ee Elman barnaamijyada waxbarasho oo ka hortaga in dhallinyaradu u nuglaadaan xagjirnimada.

Ilwaad ayaa sheegtay “in mabaadii’ida diimeed la weeciyo si loo bannaysto gacan-ka-gadal iyo abaabulidda qalalaase.” Ilwaad waxay horseedday hindise la magacbaxay Dhig Qoriga, Qalinka Qaado, oo weli socda waxna lagu baro dhallinyarada si looga hortago xagjireynta.
Abaalmarinta Pro Dignitate Humana waxaa la bixinayay tan iyo 2011kii. Waxaa la siiyaa qof loo aqoonsado inuu dadaal u ku difaacayo dadka la dulmiyay ama kuwa halista ugu jira in la dulmiyo.
© Puntland Post, 2020
You must be logged in to post a comment.