Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Goob-joogayaal ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ku soo warramay in Qarax uu ka dhacay gudaha Degmada Cabdicasiis  gaar ahaanna Nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Studium KOONIS.

Qaraxa oo sida la xaqiijiyay Khasaare Nafeed dhaliyay ayaa wararka qaar sheegayaan in lala beegsaday mid kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir islamarkaana uu ka badbaaday.

Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in Qaraxa lala beegsaday Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid balse uusan waxba ku noqon.

Laba qof oo Shacab ah ayaa la soo weriyay in ay waxyeello ka soo gaartay Qaraxa inkastoo aan faahfaahin badan laga helin.

PUNTLAND POST