Xisbiga Wadajir oo War ka soo saaray Heshiiskii Dhuusamareeb 3

Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir, oo uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dhaliil u jeediyay Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada taageersan ku gaareen Magaalada Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Wadajir, ayaa lagu sheegay in Heshiiska Dhuusamareeb 3 uu ahaa mid qabyo ah, oo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland oo saamayn xooggan ku leh jaan-goynta Siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo aan marnaba looga maarmin meel-marinta Heshiiska.

Xisbiga Wadajir, wuxuu  soo jeediyay in dhammaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya ay heshiis midaysan ka gaaraan Hannaanka Doorashada Dalka, islamarkaana Doorashadu ay wakhtigeeda ku dhacdo.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhan

PUNTLAND POST