Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo Muqdisho ku qabtay Kulan ku saabsan Joojinta Tacaddiyada Jinsiga

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay sidii sharciyan loo xoojin lahaa joojinta tacdiyadaha ka dhanka jinsiga ( Kufsiga). waxaana si gaar diiradda loogu saaray sare u kaca ku yimid intii lagu guda jiray Xiyaraaddii COVID-19.

Kulankan oo ay ka so qayb-galeen Xubno ka kala socday Ururadda Bulshadda Rayidka ah, Laanta danbi baarista ee CID-da, bahda Caafimaadka, Hay’addo Maxali ah iyo Qareeno Soomaaliyeed, waxaa la isla qaatay in si wadda-jir ah looga wadda shaqeeyo in dhibanayaashu cadaalad helaan.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in labadii bilood ee la so dhaafay la so gaarsiiyay ilaa lix kiis oo kufsi ah, kuwaso dadka ku eedaysan ay u xiran-yihiin. Laanta danbi barista ayaa dhinaceeda cadeysay in intii lagu guda jiray Xanuunkii saf-mareenka ahaa ee Covid-19 in iyagana ay baaritaan ku sameeyen ilaa 11 kiis.

Sidoo kale, Saraakiil Caafimaad oo ka socotay Cisbitaalka Madiino oo kulanka ka qayb-galay ayaa sheegay in dhibanayaashu ka so daahan Cisbitaalka oo aysan deg deg u imaan, taaso inta badan keenta in natiijadda baaritaanka ay so saarto nagetive.

Dhinaca kale, Qareennadda sida gaar ka ah ugu dooda dadka ka dhibanaha u ah kufsiga ayaa sheegay in kufsigu ku badan-yahay meelaha ay dadka dan-yartu dagan tahay sida kaamamka barkacyaasha iyo meelaha aysan Saldhigyadda ciidanka aysan ka dhaweyn.

Ugu Danabayntii, ka qayb-galayaasha kulankan ayaa isla qaatay in ay muhiim-tahay in wacyigalin balaaran la sameeyo, in la helo Qalabka lagu baaro DNA-ga eedaysanaha, in Garsoore gaar ah Maxakamaduhu u saaran kiisaska la xirira kufsiga iyo in Xog uruurin wadajir ah la sameeyo si loo ogaado hoos u dhac iyo kor u kac midka jira bil kasta.

Hoos ka daawo Muuqaalka iyo Sawirada

PUNTLAND POST