Puntland iyo Jubbaland oo si dabacsan uga hadlay go’aankii Dhuusamareeb

Puntland iyo Jubbland ayaa war-saxaafadeed wadajir ah ka soo saaray qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamreeb ugu soo gabagaboobay madaxweynaha dowladda federaalka iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaan ayaa sheegay in shirkii Dhuusamareeb 3 ee ku aadanaa hannaanka doorashooyinka, qodobadii ka soo baxay ay yihiin aragtida madaxdii ka qeybgashay, sidoo kale Puntland iyo Jubbaland aysan qeyb ka ahayn laguna matalin.

Waxay madaxda Puntland iyo Jubbaland xuseen inay markasta diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhanyahay oo lagu gaari karo hirgalinta hannaanka doorashada 2020/2021.

Madaxweynayeesha Puntland iyo Jubbaland ayaa war-saxaafadeedka soo saaray, markii ay 21 Augusto 2020 khadka teleefoonka ku yeesheen shir ay diirada ku saareen xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Warka ka soo baxay Puntland iyo Jubbaland ayaa u muuqda mid ay raali ka yihiin nooca doorasho ee la qaatay, balse ay diidan yihiin guddiga la sheegay inay maamulayaan ee hoggaamiso Xaliimo Yarey.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland iyo Jubbalad.

PUNTLAND POST