Mid kamid ah ururada siyaasadda Puntland oo soo dhaweeyay qodobadii Dhuusamareeb

Urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntland ayaa soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

War-saxaafadeedka ka soo baxay urur siyaasadeedka Mideeye ayaa lagu sheegay in ururku war-murtiyeedkii shirkii Dhuusameeb 3, u arko tallaabo wax ku ool ah oo horey loogu qaaday hirgalinta doorashooyinka Soomaaliya 2021/2021.

Ururka Mideeye ayaa soo jeediyay in madax dalka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay sugu soo laabtan madal kale oo lagu dhan yahay, si looga gudbo kala aragti duwanaanshaha weli taagan.

Urur siyaasadeedka Mideeye oo ka diiwaan gashan heer dowlad goboleed ayaa Puntland iyo Jubbaland ugu baaqay inay ka qeybqaataan dadaalada xal u raadinta mustaqbalka dalka.

Ugu dambeyna Mideeye ayaa u mahadceliyay dowlad goboleedka Galmudug oo marti galiyay shirarkii Dhuusamareeb 1,2,3.

PUNTLAND POST