Is-caddeynta (skin bleaching)

By Ruqia M. Farah

Maxay dumarka Soomaalidu ka barran karaan kacdoonka ‘Black lives matter’ (nolosha dadka madow waa mid qiimo leh).

Waxaa nolosha dumar badan oo Soomaaliyeed ka mid noqotay inay maqaarka jirkooda siiba wajiga iska caddeeyaan ama midabkooda madow beddelaan. Soomaalidu waxay arrintan u taqaan ‘Is-caddeyn’.

Is-caddeyntu waa arrin aad ugu soo korortay dumarka Soomaaliyeed soddomeeyadii sano ee ugu dambeeyay. Waana wax aad u sii fidaya oo caadi noqday. Dumarka waaweyn iyo gabadhuhuba way ka simanyihiin adeegsiga kimikooyinka wajiga iyo meelo kale oo maqaarka ka mid ah lagu caddeeyo.

Haddaba waxaan qoraalkan si kooban ugu eegayaa is-caddeyntu waxa ay tahay, halka ay ka soo jeeddo, waxyeelladeeda iyo sababta dumar badan oo Soomaaliyeed jirkooda kimiko ugu dhaqaan iyo waxa ay ka baran karaan kacdoonka ‘Black lives matter’.

Waa maxay is-caddeyntu ama jirka oo waxyaalo kimiko ah lagu dhaqo (skin bleaching)?

Is-caddeyntu waa adeegsiga walxo kimiko ku jirto si loo yara caddeeyo maqaarka jirka iyadoo la yareynayo waxa loo yaqaan ‘melanin’(me-la-nin). Melanin waa waxa u yeela maqaarka aadamiga, timaha iyo indhahaba midabka dabiiciga ah ee ay leeyihiin. Waxaana soo saara unugyo loo yaqaan melanocytes (me-la-na-say-tis). Dadka madow jinsiyad ahaan waxaa ku badan ‘melanin-ka waxayna difaac u tahay jirkooda. Waana sababta dadka madow aysan ugu baahnayn inay is-mariyaan saliidaha ama kareemada lagaga hortago waxyeellada qoraxdu jirka u geysato, sida jirka oo gubta taas oo keeni karta kaankarada jirka (skin cancer).

Is-caddeyntu ma aha wax ku kooban dumarka Soomaalida kaliya. Balse waxaa laga adeegsadaa dalal kale oo badankoodu Afrika iyo Asia ku yaalla. Shirkado badan ayaa arrintan fursad u arkay kana ganacsada sameynta waxyaalaha jirka lagu caddeeyo. Ka dibna, waxaa loo suuq geeyaa dunida oo dhan iyadoo ay ka mid noqdeen ka ganacsiga waxyaalaha la isku qurxiyo.

Is-caddeyntu way ka duwantahay is-qurxinta dumarku isku qurxiyaan waxyaalaha wajiga la marsado sida make-up– ka. Waxyaalaha noocaan ahi ma aha wax jirka midabkiisa beddelaya balse waa waxyaalo si fudud jirka uga dhaqma ama looga tiri karo.

Is-cadeyntu xaggee ka soo jeeddaa?

Dadka taariikhda arrimahan baara sida (Evelyn Nakano Glenn) waxay sheegayaan in arrintani la xiriirto addoonsigii dadka madow. Tusaale ahaan, dadka Africaanka Mareykanka ah ee midabkoodu furanyahay waxaa loo arki jiray inay caqli iyo xirfadba ka badanyihiin kuwa jirkoodu madowyahay oo shaqooyinka hoose loo diri jiray. Haddaba, dadka madow oo la liido loona arko inay dadka cad ka hooseeyaan ayaa arrintani ka dhalatay.

Is-cadeyntu waxay salka ku haysaa diidmo qofku diidayo ama cuqdad uu ka qabo madabkiisa madow. Taasina waxay qofka gaarsiinaysaa inuu midabkiisa wax ka beddelo si uu u helo ama ugu dhawaado midabka cad ee la sare mariyay.

Waa maxay waxyeellada is-caddeyntu?

Sida macluumaadka arrintan laga ogyahay ay sharxayaan, kareemada iyo saabuunaha la isku caddeeyo waxaa guud ahaan ku jira kimikooyinka mercuri (meerkuri), hydroquinone (haydarokuwinoon) iyo corticosteroids (koortikosteroydis). Walxahan oo ka sameysan kimikooyin isku dhafan waxay waxyeello u geysan karaan qofka jirkiisa kore iyo gudahaba. Xitaa cilmi baarayaashu waxay sheegayaan in mercury-gu ilmaha uurka ku jira iyo kuwa la naasnuujinayaba dhibaato ayaa ka soo gaari karta haddii hooyadu wax kimikadani ku jirto is-mariso. Sidaa darteed, dalal badan waxaa sharci darro ka ah isticmaalka, u suuq geynta iyo ka ganacsiga waxyaalaha la isku caddeeyo oo kimikooyinkani ku jiraan. Laakiin daraas lagu sameeyay kimikooyinka ay kareemada la isku caddeeyaa ka sameysanyihiin, waxaa lagu ogaaday in aan si qayaxan loo sheegin kimikooyinka waxyeellada leh ee ku jira iyagoo ka mid noqday waxyaalaha la isku qurxiyo.

AMIRA ADAWE AND CHARLES OBERG, M.D., M.P.H( 2011) ayaa baaritaan ay ku sameeyeen dhaqanka is-caddeynta dumarka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka. Waxay qoraal ay arrintan ka diyaariyeen ku sheegeen in dumarka Soomaliyeed oo ay arrintan ka wareysteen badankoodu isku qasaan afar nooc oo kareemo ah: Lemon Herbal Whiting Cream, Lulanjina, Diana iyo Dermovate. Waxay sheegeen in saddexda ugu horreeya ay ku jirto kimikada mercury kan afraadna ay ku jirto steroid.

Qoraalkani ma aha mid aan si faahfaahsan uga hadlayo waxyeellooyinka walxaha la isku caddeeyo maaddama ay arrintani u baahantahay dad aqoon gaara u leh. Laakiin haddaan tusaale u soo qaato kareemka dermovate, waxyeelladiisa maqaarka kore waxaa ka mid ah: jirka oo dareen gubasho oo kale ah laga dareemo, Jirka oo guduuta sida camanka una adkeysan karin kulaylka qorraxda, maqaarka meesha la iska mariyay oo khafiif noqda iyo cuncun.

Waa maxay sababaha dumarka Soomalidu isku-caddeeyaan?

Sababta ugu weyni waa midda aan kor ku soo sheegnay ee ah in gabdhaha is-caddeeyaa ay cuqdad ka qabaan ama ku kalsoonayn midabka ay u dhasheen iyadoo laga yaabo inaysan xitaa dareensanayn. Midda kale, marka dumarka laga hadlayo, Soomaalida dhexdeeda waxaa qurux loo arkaa lana qiimeeyaa midabka furan ama inuu cadyahay loo arko. Taas macnaheedu waxaa weeye in gabadhaha midabka furan raggu doorbidaan oo horay loo guursado amaba ay fursado kale nolosha helaan waa sida la rumeysanyahaye. Waxaanse dhammaanteen ognahay inay quruxda dhabta ahi tahay midda shakhsiyadda qofka.

Waxaa jirta maahmaah oranaysa: “Beauty is only skin-deep” taas oo af-Soomaaliga lagu macnayn karo: “ Quruxdu waa inta maqaarka uun.”

Waxaa dhacda in gabdhaha yaryar ee soo koraya lagu caayo midabkooda madow. Taas oo keenaysa inay cuqdad iyo farxad darro ka qaadaan midabkooda ilaahay ku abuuray.

Laakiin su’aasha aan qabo waxaa weeye haddii gabdhaha yaryar aynnu u jeedno culayska bulsho iyo kan dhaqaale ee saaran oo keenaya inay is-caddeeyaan, maxaa hooyooyinka weliba qaarkood ubadkoodii ubad sii dhaleen isku caddeeyaan? Waxay u muuqataa inaysan wax ka ogaanshaha arrintan iyo xagga isku kalsoonaantaba gabdhaha yaryar waxba kaga duwanayn. Waxaad fili lahayd in dumarka helay fursado shaqo, waxbarasho, ganacsi iyo xilal siyaasadeed ay arrintan ka xoroobaan. Tusaalena u noqdaan gabdhaha yaryar ee soo koraya. Laakiin xaalku wuxuu u muuqdaa: “Meesha hashii ka durdurinayso, nirigta maxaad ka filin? “.

Maxay dumarka Soomaalidu ka baran karaan kacdoonka ‘Black lives Matter’?

Marka u horreysa, kacdoonkani waa mid ka dhashay tacaddiyada, dulmiga iyo cunsuriyadda dadka madow ee Mareykanka ku nool lagu hayo. Laakiinse kuma koobna dalka Mareykanka oo kaliya. Kacdoonkani wuxuu beerayaa dareen ah inay dadka madoobi xuquuqdooda u is-taagaan meel kasta oo ay joogaan. Sidoo kale, wuxuu daaha ka qaadayaa waxyaalaha la iska caadeystay ee gumeysigu maskaxda dadka madow ku beeray oo qarniyo badan soo socday.

Haddaba dumarka Soomaalidu waxay kacdoonkan ka baran karaan in midabkooda madow iyo Afrikaannimadoodu yihiin waxa iyaga lagu soo jinsi sooco isla markaana ay ka mid yihiin jiritaankooda bani’aadaminnimo. Waxaa kale oo ay ka baran karaan inaysan ku mashquulin lacagna ku bixin diidmada midabka jirkooda ee ilaahay siiyay balse ay ku faannaan midabkooda sidii dhaqankii hore ee Soomaalidu dhiirigelin jiray, suugaantana ku qoran.

Waxaa dhammaanteen bulsho ahaan mas’uuliyad weyni innaga saarantahay daryeelka iyo barbaarinta gabdhaheena yaryar kuwa hadda jooga iyo kuwa dhalan doonaba. Goobaha waxbarashada, qoysaska iyo bulshada dhexdeedaba waa inay gabdhuhu ku koraan jacaylka jinsiyaddooda, midabkooda iyo dhaqankoodaba.

Ruqia M. Farah is a Somali language linguist & teacher, UK.