
Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in Xalay weerar culus Al-shabaab la beegsatay Xerada Lama-galaay oo saldhig u ah Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Goob-joogalayaa ku sugan Beledweyne ayaa laga soo xigtay in ay Xalay Rasaas xooggan oo ka maqleen gudaha Xerada Lama-galaay kadib markii Al-shabaab weerar qorshaysan ku qaadday Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xeradaas inkastoo Khasaaraha ka dhashay aan weli la xaqiijin.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa la sheegay in ay isla xalay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan halkaas oo dagaal saacado socda ku dhexmaray labada dhinac.
Weerarka Halgan oo madaafiic ku bilowday ayaa Ciidamada Itoobiya kaga jawaabeen Hubka culus inkastoo aan faahfaahin laga gelin Khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaallamay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.