Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal Xalay iyo Saaka ka dhacay Buuraleyda Galgala

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, dagaal xooggan oo xalay iyo saaka ka dhacay buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari ,kaasi oo dhexmaray Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo koox ka tirsan Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab oo doonayay in ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Puntland ee Degaanka Ballikhadar ayaa laga sii war helay, waxaana looga hortagay Buuraleyda Habar-hagoogle oo koonfur ka xigta Galgala, halkaas oo dagaal culus ku dhexmaray labada dhinac.

Dagaalka oo bilowday gabbal-dhicii Shalay, ayaa soo gaaray fiidnimadii Xalay, waxaana Saaka mar kale Ciidamadu hawl qorshaysan ka fuliyeen Buuraleyda Habar-hagoogle iyo nawaaxigeed.

Dagaalkii Xalay iyo Saaka, waxa Al-shabaab looga dilay in ka badan 10 xubnood, halka saddex kalena nolosha lagu qabtay, islamarkaana laga furtay hub iyo saanad kala duwan.

Sidoo kale, Ciidamada Puntland waxaa Dagaalka uga dhintay hal askari oo keliya, waxaana uga dhaawacmay laba kale, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka.

PUNTLAND POST