Dadweynaha Puntland ayaa aad uga cabanaya Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo sida la sheegayo lacag saa’id ah saartay qiimaha Shahaadada caddaysa in qofka doofaya uusan qabin xanuunka COVID-19.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa lacag dhan $ 68 Dollar ka qaadda qofka doonaya in la siiyo Shahaadada Caafimaadka Xanuunka COVID-19 taasi oo culays dhaqaale ku keentay dadka dan yarta ah.
Sidoo kale waxa soo baxaya warar sheegaya in Wasaaraddu aysan hannaan Caddaalad ah ku salaysan qiimaha Shahaadada COVID-ka islamarkaana lacago kala duwan laga qaado dadka taasi oo ku xiran weji-garad.
Qiimaha Puntland ka qaaddo qofka la siinayo Shahaadada Caafimaadka ee COVID-19 waxaa la xaqiijiyay in aysan jirin meel Soomaaliya kamid ah oo qiimahaasi laga qaado dadweynaha loo samaynayo Shahaadada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadweynaha samaysanaya Shahadadaas ka qaadda $ 30 Dollar halka Somaliland ay ka qaaddo $12 Dollar oo keliya.
PUNTLAND POST