Muqdisho (PP) — Wakiilka Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka u sheegay inuu ku faraxsan yahay wadahadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Maamul Federaaleedyada.

Swan ayaa muujiyay sida uu uga xun ka soo qaybgal la’aanta Puntland iyo Jubaland shirka Dhuusamareeb III. Wuxuu kale oo uu sheegay in Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka xustay in bisha Agoosto ee 2021 noqon karto waqtiga ugu horreeya oo doorasho qof iyo cod Soomaaliya ay ka dhici karto.
Wuxuu ku tilmaamay hadalka Guddoomiyaha mid ku ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda laba kala daran kala dooro waayo daastuurka ayaa dhigaya in doorasho dhacdo afartii sano mar.
Wuxuu kale oo uu xusay in weerrarada Al-shabaab kordheen.
© Puntland Post, 2020
You must be logged in to post a comment.