Sidii hubka loo galiyay xabsiga dhexe ee Muqdisho iyo saraakiil loo xiray

Guddiigii dowladda federaalka Soomaaliya u xil saartay baaritaanka weerarkii 10-kii bishan August ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan natiijadii baaritaankii ay sameeyeen.

Guddiga ayaa sheegay inay ogaadeen in August 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub sidoo kalana August 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraad ah, waxayna xuseen in hubkaas ay ku jireen baastoolado iyo bambooyin lagu dhex-qariyay hilib iyo jawaan ay ku jirtay liin.

Dowladda ayaa sheegtay in weerarkii xasbiga Muqdisho loo xiray 27 ruux oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto, 6 ruux oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd.

Saraakiisha iyo ciidanka asluubta ee arrintaan loo xiray oo ay kamid yihiin taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarka ama ay sameeyeen dayacaad iyo gudasha la’aan mas’uuliyadii ka saarneyd sugidda amniga, maxaabiista iyo mawaadiniinta kale.

Guddigii loo xilsaaray baaritaankii weerarkii xasbiga dhexe ayaa tilmaamay inuu dhamaaday baaritaankii ay sameeyeen, wixii ka soo baxayna ay ku wareejiyeen xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida.

Weerarkii ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Muqdhiso waxaa ku dhintay in ku dhow 20 ruux oo isigu jira maxaabiis iyo ciidan.

PUNTLAND POST