Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay Xaaladda Amni-darro ee maalmihii u dambeeyay ku soo korortay Magaalada Muqdisho.
Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Axmed Xasan Iimaan ayaa Shir-guddoomiyay Kulankaasi.
Waxa goob-joog ahaa Guddoomiye Xigeenka Howlaha Guud, Agaasinka Guud Ee Amniga Caasimadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka iyo Saraakiisha Laamaha Amniga.
Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Magaalada Muqdisho, waxaana lagu go’aamiyay in la bilaabo Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Muqdisho.
PUNTLAND POST