DANAB oo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab Xarumo muhiimana ka burburiyay

Hawlgal qorshaysan oo Ciidamada Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegay in ay ku burburiyeen Xarumo ay Al-shabaab ku farsamayn jireen Qaraxda.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska DANAB ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas lagu burburiyay Xarumo Qaraxyada lagu farsameeyo oo Al-shabaab ku lahaayeen Degaanka Gendershe ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Hawlgalka lagu qabtay xubno Al-shabaab u qaabilsanaa samaynta Qaraxyada inkastoo aysan tiradooda xusin.

Taliska DANAB waxay sidoo kale ballan-qaadeen in ay sii wadi doonaan Hawlgalada ka socda Gobolka Shabeellada hoose oo lagu beegsanayo Al-shabaab.

PUNTLAND POST