Madaxweynihi Mali oo xilka iska casilay

Madaxweynihii waddanka Mali, Ibrahim Boubacar Keite, ayaa si rasmiya u shaaciyay, in uu iska casilay Xilka Madaxtinimada Dalkaas, saacado kadib markii ay xabsiga dhigeen Ciidamada Militariga.

Telefishinka Dowladda Mali, ayaa baahiyay codka Madaxweyne Keite oo iclaaminaya in uu xilka iska casilay, islamarkaana u turay Shacabka Mali, maadaama ay Ciidamadu isaga xabsiga dhigeen.

Dalka Mali waxaa tan iyo Shalay ka aloosan qalalaase siyaasadeed, kadib markii Ciidamada Militerigu ay sameeyeen wax u eg Afgenbi Ciidan, iyaga oo xabsiga dhigay Madaxweynihii iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa.

Sidoo kale, Golaha Amniga Qaramada Midoobay, ayaa Maanta oo Arbaco ah Kulan deg deg ah ka yeelanaya Xaaladda ka aloosan waddanka Mali.

PUNTLAND POST