Laba nin oo lagu helay in ay wiilal yar yar kufsadeen oo lagu toogtay Baydhabo

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah Magaalada Baydhabo ku toogtay laba nin oo sida la sheegay lagu helay in ay kufsi u gaysteen wiilal yar yar.

Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in labada nin ay si cad u qirteen kufsiga lagu eedeeyay sidaasi darteedna dil toogasho ah loogu fuliyay.

Wararku waxay sheeganayaan in labada nin ay kufsi u gaysteen wiilal yar yar oo u dhashay Degaanka Baydhabo kuwaas oo mid kood u geeriyooday kufsigii loo gaystay.

PUNTLAND POST