Garoowe (PP) — Cali Xaaji Warsame, oo mar ahaa Wasiirkii Waxbarashada Puntland, ayaa ku baaqay in dib u dhisidda kalsoonidii ka abuurantay Shirkii Dhuusamareeb II lagama maarmaan tahay in heshiis siyaasadeed ka soo baxo Shirka Dhuusamareeb III oo hadda socda.

Cali ayaa xigtay hadal uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ka sheegay shirkii Dhuusamareeb II. “M/weyne Deni markuu yiri “Annaga & M/weyne Farmaajo waa naloo kala waramey” buu kaararkiisii siyaasadeed miiska wada saarey. Hadalkaas M/weyne Farmaajo waa lacageystay, siyaasaduna saaxiib joogta ah ma leh. Kalsoonidii Dhusamareb2 ka abuurantey wax soo celiya bay u baahan tahay” buu Cali ku qoray boggiisa Twitterka.
Hadalka Madaxweyne Deni iyo sida maamulkiisu ugu doodayo in dhicistii dowladdii Kheyre sharcidarro ahayd ayaa is qaban la’. Madaxweyne Deni muu caddaynin dadka kala fogeeyay isaga iyo Madaxweyne Farmaajo hase ahaatee wuxuu meesha ka saaray markuu sidaas u hadlay in ay jirtay hagardaamo siyaasadeed oo ka timid dhanka Madaxweyne Farmaajo.
Puntland ayaa ku gacan-sayrtay ka qaybgalka shirka Dhuusamareeb III haddii Beesha Caalamku aysan qaadanin kaalinta “damaanadqaade”.
© Puntland Post, 2020
You must be logged in to post a comment.