Wadahadaladii midnimada Soomaaliya iyo Somaliland

W/Q: Faarax Ciise

Waxaa ka qabsoomay Burco shiweynihii xisbigii S.N.L ( Somali National League)  Bishii June 1957 Waxaana lagu doortay Xubnahan : Guddoomiyaha xisbiga Xaji Cumar Askar halka xoghayaha guud ee xisbiga loo doortay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Qodobadii shirkaas waxaa ka mid ahaa in wafdi loo diro dowladdii daakhiliga aheyd ee Muqdisho ka dhisnayd ,waxaana isla Bishii June 1957 soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi ka socday British Somaliland oo uu hoggaaminayey Maxamed Ibraahim Cigaal oo ahaa Xoghayaha guud ee Xisbigii S.N.L.waxeyna la kulmeen xukuumaddii Dakhiliga aheyd,Golahii Baarlamaanka iyo Axsaabtii Mucaaradka aheyd,waxey martiqaad u fidiyeen Xukuumaddii Dakhiliga aheyd,waxaana isla sannadkaas 1957 Hargeysa tagey wafdi uu horkacayey Xaaji Faarax Cali Cumar oo ahaa Wasiirka Maaliyadda waxeyna booqashadoodii ku soo gebageboobday guul iyo is-afgarad.

Waxaa sannadkii xigey ee 1958  British Somaliland tegey wafdi uu hoggaaminayey Xaaji Muuse Boqor oo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha isla markaana ahaa ku xigeenka Ra´iisal wasaaraha,waxaana wafdigiisa ka mid ahaa xubno sare ee xisbigii LEEGADA sida : Xaaji Maxamuud Cabdille Dirir (Qurmoone).Axmed Maxamed Umal (Allore),Maxamed Cilmi (Ottavio),Cali Yaasiin Cabdi Cumar,Cabdi-Daahir Faarax Gaas waxeyna booqashadooda ka bilaabeen Berbera, Hargeysa, Boorama, Burco, Ceerigaabo iyo Laascanood, waxeyna booqashadooda ku soo dhammaatay guul iyo is-afgarad.

Bishii Febraayo 1960 British Somaliland waxaa ka qabsoontay doorashadii Baarlamaanka waxaana lagu soo doortay 33 xildhibaan,waxaana af-hayeenka Baarlamaanka loo doortay Cabdullaahi Maxamed Axmed (Qablan) oo ka soo jeeday Beesha Warsangeli.

6-dii April 1960 Baarlamaankii Somaliland wuxuu ansixiyay 2 qodob oo kala ahaa: Xornimo iyo la midowga Soomaaliya 1-da  July, 15-kii April 1960 waxaa Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday Baarlamaanka Somaliland, waxeyna 16-kii April 1960 la galeen heshiis Baarlamaankii Soomaaliya dulucdiisana ay aheyd Midnimo iyo israaca 1-da July waxaana heshiiskaas wada saxiixay labada afhayeen Aadan Cabdille Cismaan iyo Cabdullaahi Maxamed Axmed (Qablan).

Bishii May 1960 waxaa London ka qabsoomay shirkii Somaliland Conference kaasoo dhexmaray wafdigii uu hoggaaminayey Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Dowladda Ingiriiska, waxaana lagu guddoomiyay xornimada Somaliland 26 June 1960 si ay ula midoobaan Soomaaliya 1-da July.

30-kii June 1960 Baarlamaankii Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiskii Labada Baarlamaan ee 16 April 1960.

1-dii July 1960 waxaa qabsoomay shirkii ugu horreey ee Baarlamaankii Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka koobnaa 123 Mudane,Waqooyi 33 Mudane, Koonfur 90 Mudane.

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxey xubin buuxda ka noqotay U.N. 20 September 1960-kii

31-kii January 1961 Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la soo hordhigay mooshin ah in cod loo qaado midnimada waxaana aqlabiyad buuxda lagu ansixiyey midnimada Soomaaliya.

20-kii june 1961 waxaa qabsoontay Aftidii Dastuurka Soomaaliya.  Siddaas waxaa kusoo afjarmay midnimadii iyo israacii Jamhuuriyada Soomaaliya.

Haddaba waxaa isweydiin mudan halka Sheekh Shariif uu ka keenay hadda ayaa la midoobayaa dastuurka xaggee kaga qoran tahay Waqooyi iyo Koonfur ayaa loo wadahadlayaa iyadoo dastuurkii Jamhuuriyada Soomaaliya la ansaxiyey June 1961.

Waa suurtagal Soomaaliya dhexdeeda wixii dhexmaray in laga wada hadlo, laakiin qaranimada Soomaaliya ee aftida loo qaaday June 1961 in la siyaasadeeyo waa wax aan ku jirin danaha midnimada Soomaaliya.  

Qoraalka kan xiga waxaan kusoo qaadanaynaa Sheekh Shariif qaabka uu u bilaabay wadahadalada iyo ciddii ka danbeysay iyo in weji aan qurux badnayn loo yeello.

W/Q: Faarax Ciise