Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa qarax xooggan oo Galabta ka dhacay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo kaasi oo khasaare kala duwan gaystay.
Inta la xaqiijiyay lix ruux ayaa ku dhintay sagaal kalena waa ku dhaawacmeen Qarax oo ka dhacay Suuq mashquul badan oo ku yaalla Degmada Beledxaawo halkaasi oo lagu iibiyo Xoolaha iyo Qaadka.
Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in Qaraxa ay inta badan waxyeello ka soo gaartay dad shacab ah oo Suuqaasi ku ganacsanayay.
Sidoo kale Maamulka Degmada Beledxaawo ayaa xaqiijiyay in Qaraxa ay ku dhinteen ilaa lix ruux oo shacab ah islamarkaana ay ku dhaawacmeen sideed kale.
PUNTLAND POST