Malashiyaadka Al-shabaab ayaa Saaka oo Isniin ah weerar culus ku qaaday Degaanka Goof-gaduud Buurey oo qiyaastii 30KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa Al-shabaab la beegsatay Saldhig ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa koonfur Galbeed ku leeyihiin Degaanka Goof-gaduud Buurey waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.
Warar hordhac ah oo ka soo baxaya Dagaalkaas ayaa sheegaya in Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen Saldhiga Ciidamada ee Goof-gaduud Buurey islamarkaana ay halkaasi askar badan ku laayeen inkastoo aysan jirin cid si rasmiya u xaqiijisay.
Sidoo kale warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in Malayshiyaadkoodu ay cagta mariyeen Saldhiga Goof-gaduud haatana ay si buuxda gacanta ugu hayaan Saldhigaas kadib markii Ciidamada dowladda laga ceyrsaday.
PUNTLAND POST