Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa qarax ku dilay Guddoomiyihii Degaanka Goof-gaduud Buurey iyo Taliyihii Ciidanka Booliiska Degaanka sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyihii Goof-gaduud Buurey Isaaq Cali Isaaq iyo Taliyihii Booliiska Xassan Bakac ayaa ku geeriyooday qarax lagu xiray qof mayd ah oo saaka ku dhintay Weerar ka dhacay Degaanka Goof-gaduud.
Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalka Degaanka Goof-gaduud Buureey ay ku dhinteen askar iyo dad Shacab ah halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.
Al-shabaab ayaa Saaka aroortii hore weeraray Saldhig Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Degaanka Goof-gaduud Buurey waxaana ay mudda kooban gacanta ku dhigeen saldhiga inkastoo markii dambe ay dib uga baxeen.
PUNTLAND POST