Weerarkii hotel Elite oo la soo afjaray iyo Farmaajo oo ka hadlay

Goordhaweyd ayaa la soo afjaray weerarkii ay galabta Al-shabaab ku qaadeen hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ayaa la sheegay inay toogteen rag hubysan oo tiradooda lagu sheegay 4, oo ilaa galabta ka dagaalamayay gudaha huteelka.

Intii howlgalku socday waxaa gudaha hoteelka laga soo badbaadiyay dad badan oo isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab, waxaana kamid ahaa mulkiilaha hotelka Elite, xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Weerarka waxaa ka dhashay khasaare farabadan oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, waxaana warar lagu kalsoonaan karo oo heshay Puntland Post sheegayaan in dhimashadu ay ka badan tahay 20 ruux, halka dhaawacuna uu ku dhowyahay 40 qof, burbur xooggana gaaray hoteelka.

Dadka weerarkaas ku dhintay waxaa ka mid ah agaasimihii xiriirka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdisaaq Cabdi iyo Daahir Cali oo tirsanaa waasaaradda Gaashaandhiga, dad dhaawacmay waxaa ka mid ah wasiirka howlaha guud ee Galmudug Axmed Waashitoon iyo sawir qaade ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamad Caraaye.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay qaraxa hotel Elite ee xeebta Liido, sidoo kale u tacsiyeeyay dadkii waxyeeladdu ka soo gaartay.

Mas’uuliyadda weerarka waxaa sheegtay Al-shabaab oo weeraro badan oo noocaan ah horey uga geystay Muqdisho.

PUNTLAND POST