Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa Liido

Qarax iyo weerar toos ah ayaa lagu qaaday hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Gaari walxaha qarax laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray hotelka, kadibna rag hubaysan ayaa gudaha u galay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkaas uu ka dhashay khasaare farabadan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, war lagu kalsoonaan karo oo heshay Puntland Post ayaa xaqiijiyay in dhimashadu ay ka badan tahay 20 ruux, halka dhaawacuna uu gaarayo 40 qof.

Dadka weerarkaas ku dhintay waxaa ka mid ah agaasimihii xiriirka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdisaaq Cabdi iyo Daahir Cali oo tirsanaa waasaaradda Gaashaandhiga, dad dhaawacmay waxaa ka mid ah wasiirka howlaha guud ee Galmudug Axmed Waashitoon iyo sawir qaade ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamad Caraaye.

Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa loo kala daabulay intoodii badnayd dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkaas.

Hotelka weli waxaa laga maqlayaa rasaas xoogan, waxaana ku go’doonsan mas’uuliyiin iyo dad shacab ah, halka dad badana laga soo badbaadiyay.

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal kawada hotelka la weeraray.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, halka aysan weli ka hadlin dowladda Soomaaliya.

Wixii soò kordha dib kala soco

PUNTLAND POST