Garoowe (Faallooyinka PP) — Walaaca Guddoomiyaha Ururka Mustaqbal, Maxamed Siibad, ka muujiyay sharcinimada doorashooyin dowladaha hoose oo tijaabo ah kana dhici doona Puntland dhammaadka sanadkan waa qaylodhaan siyaasadeed ku baraarujinaysa dadka Puntland in doorashadu abuuri doonto laba dabaqadood: dabaqad codaysa oo yeelata dowlado hoose oo wax ka dheefta awood daadejinta, iyo dabaqad aan codeynin.
Siibad wuxuu xigtay murti faysaluufkii Giriigga, Plato, reebay kuna saabsan waxa ay mutaan dadka aan siyaasadda ka qaybgelin oo dadka aan kartida iyo hufnaanta hoggaamineed lahayni ay xukumaan. Giriiggu wuxuu lahaa dabaqad la addoonsado iyo dabaqad wax addoonsata oo codaysa.

Waa maxay farriinta go’aanka in doorashooyinka lagu qabto seddex degmo oo keliya ay bixinayso? Yaa lahaa go’aanka in seddex degmo oo keliya doorashooyin dowlado hoose oo tijaabo ah lagu qaban doono? Haddii Puntland ay talada ka heshay beesha caalamka waxaa habboonnaan lahayd in saamileyda siyaasadda Puntland oo dhan lagala tashado.
Isku daygii dimuqraaddiyaynta uu maamulkii Faroole sameeyay 2013kii waxaa ka hor yimid diidmo keentay in la burburiyo sanduuqyadii loogu talogalay codaynta. Sidee degmooyin Puntland ku yaalla oo xaqii codeynta laga duudsiiyay dusha uga eegan karaan doorashooyin dowlado hoose oo seddex degmo oo keliya ka qabsoomi doona? Guddiga Ku-meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland waxaa la gudboon inuu hakad geliyo qorshaha doorashooyinka si uu wadatashi baahsan ula yeesho ururrada siyaasadda Puntland saluugsan sida doorashadu u qabsoomi doonto.
Haddii doorasho tijaabo ah ka dhici karto seddex degmo, wax hor istaagaya inay ka dhacdo degmooyinka kale ay Puntland maamusho ma jiro. Maxamed Siibad hadalkii uu ka jeediyay goobtii ururrada shalay lagu guddoonsiinayay shahaadooyinka wuxuu galay taariikhda geeddi-socodka dimuqraaddiyaynta Puntland. Mustaqbal wuxuu u dooday xaqa codeynta ay dadka Puntland leeyihiin.
© Puntland Post, 2020
You must be logged in to post a comment.