Gaas wuu ka been sheegay Dimuqraaddiyadda – Faallo                                             

W/Q: Siyaad Cali Jaamac

Markaan dhegeystay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas markuu ka hadlayey nidaamka axsaabta oo uu hoos ugu dhaadhacay Dimiqoraadiyada, wuxuu sheegay dhowr arimood oo qaarkood shaki ku beeri kara dadkii awalba tabashada ka qabay geeddi-socodka dimuqraaddiyadda Puntland.

Gaas: Waa suurtogal in dad badan oo hadda dimuqraaddiyanta u sacbinaya xaaladdoodu aysan wax iska beddelin.

Gaas wuxuu ka hadlay madal ururrada siyaasadda shahaado lagu guddoonsiinayay.

 Gaas wuxuu ku dooday:

1– Dad badan oo filaya inay uga wanaagsanaan doonto hadda ayaa waxaa dhici kara inay  uga sii darto sida hadda ay ku sugan yihiin.

2– Wuxuu u qeexay dimuqraaddiyadda sidan:  “Dimoqaraadiyaddu waa dadka tirada badan oo wax xukuma iyo kuwa tiradda yar oo xaquuqdooda ay ilaaliyaan laandheeeruhu. ( halkaa wuxuu hilmaamay dad kamida reer Puntland oo ka gadaal burburkii tegay waqooyiga Amerika Golaha Wakiillada ka mid noqdeen ama xil Wasiir ka qabteen Waqooyiga Ameerika. )

3– Wuxuu xusay in dad badan oo hadda sabcinaya oo qawadsan amaba ka qatan golayaasha dowaladda 22 Sano oo is leh “Dimoqaraadiyadd ayaad wax ku helaysaan” baa hungoobi kara waayo waa suurtogal in xaaladdoodu aysan wax isk beddelin inkastoo wax badan u hureen unkidda hay’adaha dowladeed ee Puntland. Mindhaa Gaas wuxuu ula jeedaa “sidan ha lagu hayo waayo way qabatimeen”.   

4– Gaas sawir aan dhab ahayn buu dimuqraaddiyadda ka bixiyay isagoo ku tilmaamay in nooc dimuqraaddiyada ahi u oggol yahay dadka ganacsi oo keliya laakiin laga xakameeyo xoriyadda shaqsiga iyo tan Siyaasadda. Tusaale muu la wadaagin dadka ku saabsan dalka dadkiisa ku xukuma dimuqraaddiyad noocaas ah. Dooddiisan waxay dad badan xusuusinaysaa sida deegaannada Puntland loogu kala sadburiyay dhanka horumarinta iyo koboca dhaqaale.

5– Wuxuu yiri, isagoo la hadlaya dulmanayaasha, haddaad weydaan waxaad filanayseen aamina waxaad la kulantaan. Fasiraaddu waa: haysku deyinina dhaqdhaqaaq kale ee shifaysta hagbadda casriyeysan.

Gaas wuxuu is illowsiiyay in dimuqraaddiyaddu keento in fikraduhu noqdaan waxa lagu kala codbato oo aysan jirin hayb lagu kala codbato. Hadba xisbiga dadku u codeeyaan baa awoodda qabsada. Ma jiro cid tirisay Puntland. Awood-qaybsigu waa ku-soo-booddo (random) dan loo arkay markii Puntland la yagleelayay.

Gaas, oo doonaya inuu Aqalka Sare ku biiro, wuxuu xambaarsan yahay faham gurracan oo dimuqraaddiyadda ku saabsan. Ma aha faham sal u noqon kara dimuqraaddiyaddiyaynta Puntland. 

Siyaad Cali Jaamac waa  qoraa gorfeeye arimaha siyaasadda.