Madaxweyne Farmaajo, Laftagareen iyo Waare oo gaaray Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta galinkii dambe ka degay magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo maalmaha soo socda ka furmayo shir looga hadlayo hannaanka doorasho ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, K/xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo ku xigeennadiisa iyo xubno ka tirsan goleyaasha heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb inuu kulamo gaargaar ah la qaadan doono madaxda heer dowlad goboleed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa isagu maanta galinkii hore soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Dhanka kale waxaa Dhuusamareeb galabta soo gaaray madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda soo gaaraan Dhuusamareeb.

Shirka Dhuusamareeb 3 ee madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa isha lagu hayaa waxa ka soo bixi doona.

PUNTLAND POST