Maxay tahay u jeedada madaxweyne Farmaajo u hortagayo baarlamaanka?

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa berri oo sabtiya hortagaya baarlamaanka.

War ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maalinta berri ah kulan ku yeelan doonaan xaruuntooda KMG ah ee Villa Hargeysa, agendahana yahay warxbixin uu Madaxweyne Farmaajo u jeedinayo xubnaha golaha shacabka.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu baarlamaanka ka codsan doono muddo kororsi ay la ogyihiin guddoonka golaha shacabka.

Xubno ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya oo dhawaan la soo xiriiray Puntland Post ayaa xaqiijiyay in baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Villa Somalia ay qorsheeyeen, in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya laguna dhawaaqo ka hor magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa ay isku afgarteen in aan la magacaabin ra’iisul wasaare cusub ilaa baarlamaanku sameeyo muddo korarsi, seddexdan nin ayaa isku raacay in ra’iisul wasaaraha cusub ay dhici karto inuu diido muddo korarsi islamarkaana ay adkaanayso ama aysan suuro-gal noqon in si dhib yar loo rido ra’iisul wasaaraha cusub taasina ay fashil ku keeneyso Farmaajo iyo dhammaan qorshayaasha dowladda.

Xildhibaannadan oo dalbaday inaan magacyadooda la xigan sababo la xiriira ammaankooda, isla markaasna ahaa kuwo ka soo kala jeeda degaano kala duwan ayaa ku eedeeyay seddexdaas mas’uul inay qorshaynayaan arrimo horseedi kara inuu dalku ku dhaco khatar.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa tilmaamay in saddexdan mas’uul ay hadda gacanta ku hayaan qorshe deg deg ah oo dowladda Qatar maalgalinayso si galaangal loogu helo baarlamaanka oo fadhiyada ugu horreeya ay ugu dhawaaqaan muddo kororsi labo sano ah, si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka qabsoonta. 

Xubnahan xildhibaannada ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada iyo dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ah inay ka digtoonaadaan arrintan oo ay sheegeen in ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay in la fashiliyo go’aannadii iyo heshiisyadii lagu gaaray Dhuusamareeb 1, 2, isla markaasna khilaaf hor leh laga dhex abuuro dowlad goboleedyada.

Berri ayaa ku began 15-ka Agoosto oo ah maalintii loo ballansanaa shirkii Dhuusamareeb 3, ee lagu go’aamin lahaa nooca doorasho 2020/2021.

PUNTLAND POST