Hargeysa (PP) — Cabdulqaadir Jirde, oo ah Guddoomiyaha ku Meelgaarka ah ee Xisbiga Waddani ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Somaliland, ayaa soo jeediyay in qarannimo wadaag noqon karto xalka ugu wanaagsan haddii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay samayso tanaasul.
“Wadahadalladii 2012kii billowday Soomaaliya iyo Somaliland waxay u wada hadlayeen laba dhinac oo siman, haddase sidaas ma aha” ayuu Jirde ka yiri dood uu machadka ISIR soo abaabulay kana dhacday Hargeysa.
Jirde wuxuu sababeeyay horumar la’aanta shirarka ay Somaliland iyo Soomaaliya yeesheen laga soo billaabo 2012kii. “Dalal shisheeye oo kala dano ah ayaa wadahadallada abaabulay. Ma ahayn wax dadka ama siyaasiyiinta ka yimid” ayuu Jirde sheegay. Wuxuu ku dhaliilay dowladda Soomaaliyeed ismahadin ku salaysan inay qarannimadu gacanta ugu jirto iyaga oo aysan waxba uga baahnayn Somaliland inkastoo Somaliland ay si madaxbannaan u gashay heshiis saldhig ciidan lagu siiyay Imaaraadka Carabta dhowr sano ka hor.

Jirde ayaa xusay in sii jiitanka wadahadalladu keeni karo dagaal Soomaaliya ku soo qaaddo Somaliland.
Laba sababood buu Jirde iftiimiyay oo kala saameeya raadinta aqoonsiga iyo midowga. Tan hore waa doodda gaboodfalka taliskii militariga Soomaaliya uu geystay, dooddaas oo uu Jirde ku tilmaamay “sheeko” hal beel ay soo bandhigto. Tan labaad waxay la xiriirtaa guushii jabhaddii SNM ka gaartay dagaalkii ay kula jirtay taliskii militariga.
“Jabhadaha guuleysta ma hoos tagaan dowlad ay ka guuleysteen. Dowladda hadda joogta waxay dhaxashay dowladdii dhacday” ayuu Jirde ku dooday. “Sow SNM ma ahayn urur beel keliya metelayay sida urruradii kale — USC, SSDF, SPM iyo SDM?” waa su’aal Jirde aan la weyddiinin si looga doodo sheekadan gaarka ah.
© Puntland Post, 2020
You must be logged in to post a comment.