Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo Xubno Ka Tirsan golaha wasiirada maamulkaasi, ayaa ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu muujinayay wax soo saarka gobalka iyo doorashada hoggaanka iskaashatooyinka beeraleeyda.
Kulanka ayaa intii uu socday lagu doortay hogaanka iskaashatooyinka beeraleyda gobalka kadib codeyn ay sameeyeen gudiga iskaashatada beeraleyda gobalka iyadoona halkaasi lagu doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen waxaana loo doortay gudoomiyaha iskaashatooyinka beeraleyda gobalka Cali Cabdul Aadan (Daacad) halka gudoomiye ku xigeena loo doortay Cabdulqaadir Cabdullaahi Aadan (Xusuleey).
Kulanakaasi waxaa hadallo warbixin ah oo la xiriira ujeedka kulanka iyo baahida keentay,halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha doorshada hogaanka beeraleyda gobalka mudug siciid Maxamuud Jimcaale iyo Guddoomiyaha cusub ee iskaashatooyinka beeraleyda gobalka mudug Cali Cabdul Aadan (Cali daacad)
PUNTLAND POST