Golaha wasiirada Soomaaliya oo meelmariyay heshiis ay wadagaareen 55 dal

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen heshiiska aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika oo golaha ay u soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

War ka soo baxay golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiska goluhu ay meelmariyeen ay horey u wadagaareen 55 wadan oo qaaradda Afrika ah, uuna qeexayo in dhammaan wadamada saxiixay heshiiska ay meesha ka saaraan caqabadaha ganacsiga si badeecadaha wadamadaas ay xuduudaha isaga gudbaa si xur ah.

Waxaana la tilmaamay in ujeeda aasaaska aagga ganacsiga xorta ah ee Africa (AfCFTA) ay salka ku heyso abuuridda hal suuq oo iskaga gudbaan badeecadaha iyo adeegyada ganacsi si xur ah, in la helo dhaqdhaqaaqa xurta ah ee ganasatada iyo maalgashadaayasha qaaradda dhexdeeda ah, in la balaariyo ganacsiga gudaha Afrika iyada oo loo maraayo iswaafajin wanaagsan iyo isu-duwidda xoreynta ganacsiga, fududeynta ganacsiga iyo kobcinta tartanka warshadaha iyo heerarka shirakadaha.

Golaha wasiirada ayaa xusay in Janaayo 2012 fadhi ay isugu yimaadeen madaxda wadamada ku bahoobay Midoowga Afrika shirkoodii 18aad oo ka dhacay Addis Ababa dalka Ethiopia, lagu ansixyay in la aasaaso aagga ganacsiga xorta ah ee Africa (AfCFTA).

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka faa’iideysaneyso AfCFTA, ayna fursad u heleyso in waxyaabaha gudaha laga soo saaro ay caqabad la’aan ugu iib geyso qaaradda dhexdeeda, inay marti geliso maal gashadayaasha, inay isku xirto ganacsiga iskaga gooshaya koonfurta iyo waqooyiga qaaradda Afrika ayaga oo marin ka dhiganayaa biyaha badweynta Hindiya, hanacsi abuur iyo in si dhameystiran looga faa’iido soo saaridda kheyraadka dalka, si oo iibgeeyo.

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ku sii simayaal ah ayaa tan iyo intii Kheyre la tuuray waday ansixinta sharciyo iyo heshiisyo qaarkood walaac laga muujiyay.

PUNTLAND POST