Siyaasadda Arrimmaha Dibedda Somaliland: Dib-u-dhacyo Mise Horumarro?

Xasan Mire Daahir (Xasaneey)

Muqdisho — Maamulka Somaliland ayaa bil gudaheed ka caraysiiyay Shiinaha iyo Itoobiya. Xiriirka Diblomaasiyadeed ay Hargeysa Taipei la yeelatay wuxuu keenay in Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya la kulmay Madaxweyne Farmaajo oo u caddeeyay diplomaasiga in Soomaaliya aamminsan tahay madaxbannaanida Shiinaha.

Madaxweyne Biixi (midig) oo salaamaya Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wafdi ka socda Safaaradda Shiinuhu ku leeyahay Soomaaliya ayaa tagay Hargeysa oo la kulmay mas’uuliyiin sarsare. Hoggaamiyeyaasha wafdiga Shiinuhu la kulmay ayaa u caddeeyay Safiirka Shiinaha in Somaliland aamminsan tahay qarannimada Shiinaha iyo in ay tahay “dal” aqoonsi raadinaya oo aan ka hor imanaynin Qaanuunka Caalamiga.

David Moyane, agaasimaha Xarunta Daraasaadka Afrika iyo Shiinaha ayaa xiriirka dimlomaasiyadeed dhex maray Somaliland iyo Taiwan ku tilmaamay “mid Afrika u daran.” Somaliland waxay dhowr toddobaad kaddib kulankaas ayuu wafdi Masar ka socda tagay Hargeysa. Somaliland waxay ku tilmaantay booqashada mid lagu adkaynayo xiriirka “soo jireenka ah” u dhexeeya labada ummadood. Kulammada wafdiga Masar la yeeshay madaxda Somaliland wuxuu shaki ku abuuray Itoobiya oo uu muran ku saabsab wabiga Niil kala dhexeeyo Masar. Dhowaan ayuu afhayeenka Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Itoobiya Dina Mufti sheegay in Itoobiya qabto in Somaliland ay Soomaaliya ka mid tahay.

Wasiirka Arrimmaha Dibedda Somaliland Yaasiin X. M. Xiir (bidix) oo gacanqaadaya Joseph Wu, Wasiirka Arrimmaha Dibedda Taiwan (Xuquuqda sawirka AP)

Itoobiya waa dalka u kala dabqaadayay Muqdisho iyo Hargeysa, ku kulansiiyay Addis Ababa Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo. Gorfeeyeyaal badan baa isweyddiinaya in waddada siyaasadda arrimmaha dibedda ee Somaliland qaadday go’doomin karto Hargeysa siyaasad ahaan. Sida uu qabo gorfeeye Hargeysa ku sugan oo diiday in magaciisa la xuso, “Somaliland waxay xoogga saaraysaa in Jaamacadda Carabtu dhexdhexaadiye ka noqoto wadahadallada Muqdisho iyo Hargeysa u socda.” 29 sano ayaa laga joogaa markii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’oday Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika waxay labaduba taageeraan midnimada siyaasadeed ee Soomaaliya si waafaqsab baaqyada ka soo baxay Golaha Ammaanka. Ilaa hadda goleyaasha siyaasadeed ee Somaliland, Aqalka Wakiillada iyo Guurtida, may ka doodin saamaynta ay abuureen cadaadisyada siyaasadeed ka yimid booqashada Masar iyo xiriirka cusub ee Taiwan iyo Somaliland. Siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland way hardisay danaha dalal Midowga Afrika iyo Golaha Amnaanka saamayn ku leh.

© Puntland Post, 2020