Deni oo la kulmay Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Jabuuti, ayaa la kulmay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxyooyada Puntland ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Ganacsiga iyo maalgashiga.

Kulanka waxaa ku weheliyey wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo wasiirka gaadiidka Muuse Maxamed Axmed, dhinaca Puntland waxaa uga qeybgalay wasiirka duulista hawada iyo garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor, wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, lataliyaha madaxweynaha Puntland ee arrimaha siyaasadda iyo xiriirka dibedda Cali Cabdi Awaare iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa Jabuuti u tagay dhawr arrimood oo ay kamid tahay helitaanka Xafaarad ciidda ka saarta dekedda magaalada Boosaaso.

Waa safarkii labaad oo sanadkan gudihiisa uu dalka Jabuuti ku tago madaxweynaha Puntland, bishii labaad ayuu sidan oo kale booqasho ku tagay dalkaas.

PUNTLAND POST