Ra’iisul Wasaarihii Dalka Lubnaan oo is casilay

Ra’iisul Wasaaraha Waddanka Lubnaan Xasan Diab ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Ra’iisul Wasaare ee dalka kaddib qaraxii dhawaan ka dhacay caasimadda Beirut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 qof, halka ay ku dhaawacmeen 6,000 oo kale.

Mr. Xasan Diab ayaa arrintan kaga dhawaaqay Warbaahinta Dowladda Lubnaan kaddib markii ay isa soo tareen dibad baxyada dowladda lagaga soo horjeedo.

4 August 2020 ayay markii qarax aad u xoogan uu ka dhacay bakhaaro ay ku keydsanaayeen hub si sharci darro ah ku yiilay dekadda tan iyo sanadkii 2013kii kaasi oo sidoo kale  sababay bur bur hantiyeed oo lagu qiyaasay in kabadna toban bilyan, halka ay ku guryo beeleen 300,000.

Shacabka ayaa waxa ay mas’uuliyiinta dowladda ku eedeeyeen ina y wadaan falal musuq maasuq ah iyo maamul xumo.

PUNTLAND POST